Cabdi Xaashi Oo Lagu Qanciyey Inuu Ka Qaybgalo Xiritaanka Shirka Afisyooni

Published: May 27, 2021

Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdilaahi ayaa maanta lagu qanciyey inuu ka qaybgalo xiritaanka shirka madaxda dowlada Federaalka iyo dowlad gobobleedyada.

Arrintan ayaa timid kadib markii guddoomiye Cabdi Xaashi kulan la qaatay midowga musharaxiinta gaar ahaan madaxweynayaashii hore ee dalka, Shariif Shiikh Axmed, Xasan Shiikh Maxamuud iyo xunbo kale oo ka tirsan musharaxiinta.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa sidii guddoomiye Cabdi Xaashi loogu qancin lahaa qaadashada 5-ta xubnood ee laga siiyey guddiga farsamada ee loo xilsaarayo xallinta arinta xildhibaanada gobolada woqoooyi iyo inuu ka qeybgalo shirka Afisyooni, wuxuuna ugu dambayn ka qaybgalay shirka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *