Cabdirasaaq Cabdulahi Macalin oo ku guuleystay kursiga HOP63 oo ay ku tartameen 9 murashax

Published: March 23, 2022

Gudiga doorashooyinka Hirshabeelle ayaa soo gebagabeeyay doorashada kursiga tirsigiisu ayahay Hop063 oo ahaa kursigii ugu loolanka adkaa kuraasta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyaa ee la soo doorto, iyadoo ay Ku tartamayeen 9 musharaxiin.

Doorashada oo soo martay 3 wareeg oo aad u adag ayaa ugu danbeen waxaa ku guuleeystay Cabdirasaaq Cabdulahi Macalin oo hellay 56 cod.

Doorashooyinka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyaa ayaa haadan maraya heer gebo gebo ah iyadoo ay harsanyihiin in ay soo dhameestiraan xildhibaannadooda maamulada Hirshabeelle iyo Jubbaland.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *