Cabdirashiid Janan oo siweyn lagu soo dhaweeyay Beledxaawo

Published: March 24, 2021

Waxaa magaalada Beledxaawo siweyn loogu soo dhaweeyay Cabdirashiid Xasan Nuur Janan oo heshiis la gaaray dowlada Federaalka Soomaaliya.

Cabdirashiid Janan ayaa Beledxaawo gaaray isagoo ay la socdaan Kolonyo badan ciidamo daacad u ah.

Wasiir kuxigeenka wasaarada Warfaafinta xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-Cadaalada oo kamid ahaa masuuliyiin Beledxaawo u tagay soodhaweynta Janan ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay farxad u tahay isla markaana ay bogaadinayso go’aanka uu heshiiska nabadeed u qaatay Cabdirashiid Xasan Nuur.

“Wasiir Janan waxa uu halkan u yimi labo arin oo kala ah garasho iyo damqasho isagu uu gartay inuu Qaranka Soomaaliyeed u hiiliyo” ayuu yiri wasiir Al-Cadaala.

Dhinaca kale Wararka aan ka helayno magaalad Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in Taliyaha Nabadsugidda iyo Sirdoonka dowlada Federaalka iyo wefdi uu horkacayo ay ka dageen garoonka diyaaradaha magaaladaasi iyagoo ku sii jeeda Beledxaawo oo la filayo in ay kulamo kula qaataan Cabdirashiid Janan si loo dhameystiro heshiiska ay wada gaareen dhinacyadan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *