Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo wacdaro ka dhigey fadhigii dooda dastuurka-Video

Published: February 19, 2024

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa fadhigii labada aqal ee baarlamaanka Jamuuriyadda federaaliga ah ee Soomaaliyeed wacdaro ka dhigey kadib markii uu dood adag ka keenay sida dastuurka loo beddalay iyo khiyaanooyinka ku jira.

Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa sheegay in dastuurkaan cusub uu yahay mid loo qoray qaab siyaasadeysan loo sameeyey

Iyada oo weli lagu jiro cusubta kowaad ayuu soo qaatey qodob la tirtirey ee ku jirey dastuurkii 2012 kaas oo u dhignaa sidan;

“Soomaaliya waa Jamhuuriyad Federaal ah leh gobonimo dimoqraadi ah ku dhisan metalaada dadweynaha loo dhan yahay oo ku salaysan nidaamka axsaabta badan.”

Xildhibaan Cabdiraxmaan oo la yaaban qaabka farsameysan ee qodobkan looga saarey cutubka kowaad loona geeyey cutubka afaraad isaga oo qaab kale ah ayaa yiri;

“….Axsaabta badan waa la tirtirey meesha la geeyey nalooma sheegin oo maxaa loo tirey nidaamka xisbiyada badan, anaa idiin sheegaya waxa loo tirey meeshaan kuma qorna, qodobkasta sababta loo tirey waa la sheegaayey, laakiin inta sababta loo tirey lama sheegin, waxaan loo sheegin waa “Dalka ayaa laba Xisbi loo rabaa”, qodobkaan ayeyna khilaafsan tahay, waxaan ka codsanayaa guddiga kor-joogteynta iyo kan dastuurku in nidaamkii xisbiyada badan meeshaan ku soo celiyaan, nidaamka xisbiyada badan waa laba xisbi iyo ka badan, meeshaan waad ka xaddeen sababta aad u xadeena waan faham sanahay, waxaadna dooneysaan in aad tiraahdaan qodobka afaraad ayey jirtaayoo, dalka laba xisbi ayaa loo soo wadaa, dalkaan mid laba xisbi lagu maamuli karo maaha, hala soo celiyo nidaamka xisbiyada badan….”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo lagu tilmaamo in uu yahay dowlad yaqaan ayaa codsadey in dastuurka lagu soo daro qodob ku jirey dastuurkii 60-kii ee aftida dadweynaha loogu codeeyey kaas oo u dhigan sidan;

“Xisbiyada kan dowladda haysta iyo kan mucaaridka waxay qayb ka yihiin nolosha siyaasadeed iyo dimoqraadiyadda”

Ugu danbeyn Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa madaxda dowlad goboleedyada hadda ka cabanaya dastuurkan cusub baaq u direy waxaana uu yiri,” Saaxiibadeyda ee madaxda dowlad goboleedyada markaad xildhibaanada soo xuleysiin ha soo xulina mid idinka idiin codeeya oo keliya, ee soo xula mid aayatiinka dalka ka doodi kara, maanta ayaad tebaysaan sowmaaha baahida ayuu is weydiiyey Xildhibaan Cabdishakuur oo u duur xulaya sida Xildhibaanada badankood u fudeydeysanayaan dastuurka sida weyn loo beddalay.

Horseed Media