Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ku baaqday in la caawiyo dadka kusoo barakacay Deg. Cadaado

Published: August 6, 2022
Shares10

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa safar shaqo maanta ku tagay magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

U jeedka safarka Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu ku tegay Cadaado ayaa ku qotoma u-kuur-galidda xaaladdaha abaaraha iyo nolosha danyarta ay abaaruhu saameeyeen.

Ergeygu ayaa kormeer ku tagay xeryo barakac oo ku yaalla duleedka magaaada, Sida xerooyinka Bari iyo Xarardheere oo barakacayaasha ku jira ay u badan yihiin carruur, haween iyo dad da’ ah oo u baahan gargaar iyo garab istaag degdeg ah.

Sidoo kale waxa uu booqday Isbitaalka guud ee degmada Cadaado oo lagula tacaalayo carruur ay saamaysay nafaqo darradaa ka dhalatay abaaraha ka jira guud ahaan deegaanada ku hareeraysan.

Dadka abaarta ka soo barakacay ayaa ah kuwo nolol ahaan aad u hooseeya oo ay duruuf xooggani ka muuqato, keliya maahan nafaqo darro waxa haya ubadkaasi balse waxaa u wehliya xannuunada faafa, sida jadeecada IWM.

Cadaado waa magaalo marti-galinaysa kumannaan qoys oo abaaruhu ceyrteeyeen, kadib afar xilli roobaad oo baaqday, cunto yarida iyo nafaqo-xumada ayaa la filayaa inay ka sii darto, haddii gargaarka bini’aadannimo aan kor loo qaadin lana joogteyn.

Ergayga ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed kuwooda wax haysta, Dowladda, deeq-bixiyaasha, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo NGOs-ka caalamiga ah in ay gurmad degdeg ah gaar siiyaan dadka tabaalaysan ee ku sugan Cadaado, si macaluusha soo wajahan looga hor tago.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *