Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ku eedeeyey Xasan Sheekh ka aamusnaanta dagaalka Daacish ee Puntland

11 hours ago

Xil. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in aysan dunida ka dhicin Madaxweyne ka aamusan isaga oo dalkiisi Daacish ku soo duushey.

Siyaasi Xil Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Salaasada maanta ah qayb ka ahaa shir saxaafadeed ay si wadajir ah u qabteen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheeh Axmed iyo Senator prof Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa ku edeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh sida uu isaga indha tiraayo duulaanka Daacish ay ku soo qaadey Soomaaliya.

“..Waxaan ognahay maanta in deegaano kamid ah Puntland uu ka socdo dagaal looga soo horjeedo argagixisada Daacish. Dowladda Federaalka ah kama hadasho, ma taageerto, madaxweynuhu waxa uu lee yahay waxaan ahay Madaxweynihii Soomaaliya oo dhan, waxay ahayd in madaxweynuhu shir jaraa’id qabto oo ku dhawaaqo in Soomaaliya, Daacish ku soo duushey, sababta oo ah ma jirto adduunka meel kamid ah oo 11 qof oo ajnabi ah oo Daacish ah meel ay ka sameeyeen weerar ismiidaamin ah, laakiin xafiiltan siyaaadeed oo kala dhexeeya Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayuu uga aamusan yahay, waa ayaan darro ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Dowladda Federaalka ayaa ilaa hadda ka aamusan dagaalka u dhexeeya Daacish iyo Puntland. Dowladda Puntland ayaa go’aansatey in ay dhulkeeda ka saarto Daacish oo muddooyinkan ku xoogeystey buuraha Cal Miskaat.

Duulaanka ka so socda buuraha Calmiskaad ayaa galay todobaadkiisi saddexaad.

HORSEED MEDIA