Published: December 9, 2019
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa ku dhawaaqay inuu Alle uga towbad keenay khaladkii ku jiray khudbadii uu ka jeediyay dalka Jarmalka ee dooda badan ka dhalatay.

Muuqaal uu soo duubay ayuu ku sheegay inuu Alle weydiisanayo cafis, isla markaana uu cafiyay culimadii ku xadgudubtay, isagoo ku baaqay in dooddii iyo falceliskii ka dhashay khudbadiisa inay halkaas ku idlaato.

“Wax alle weydiisanayaa wixii khalad ah ee khudbadaas ku jirtay inuu iga cafiyo, alle ayaa uga towbad keenayaa, annigoo aaminsan towbada cida is ka leh inuu yahay Alle Subxaana Watacaala ,oo aysan qof bani’aadam ah towbada aysan laheyn, alle ayaa towbo weydiisanayaa, wixii gef ah ee khudbadaas ku jirtay”

sidaas waxaa yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

HALKNA KA DAAWO.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *