Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo loo doortay xildhibaan Golaha Shacabka

Published: February 14, 2022

Maanta oo taariikhdu tahay 14-da Febaraayo 2022 guddiga Doorashada Galmudug wuxuu qabtay Doorashada Kursiga nambarkiisu yahay HOP#138 oo 2 musharax isku diiwaangeliyeen, kalana ah:

1- Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

2- Naciimo Xuseen Cali

Waxaa ka tanaasulay tartanka Naciimo Xuseen Cali waxaa ergadu hab gacan taag ah ugu codeeyeen musharax Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame waxaana ogol ugu codeeyey 86 ergada kamid ah.

Sidaa daraadeed waxaa ku guuleystay doorashada kursi HOP#138 Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame oo helay 86 cod.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *