Cabdiweli Gaas oo ka hadley natiijadii shirkii Dhuusamareeb 2

Published: July 23, 2020
Cabdiweli Cali Gaas
Madaxweynihii hore ee Puntland, iyo raysalwasaare hore Dr Cabdiweli Cali Gaas

Madaxweynihii hore ee Puntland horeyna u soo noqdey Raysalwasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Cali Gaas ayaa ka hadley shirkii maalintii Arbacada ku soo geba-geboobey magaalada Dhuusamareeb ee u dhexeyey Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada.

Cabdiweli Gaas ayaa ugu horeyn sheegay in niyadda kheyr loo sheego, oo ay wax wanaagsan tahay in cidii siyaasadda isku haysey ay kulmaan, waxna isla gartaan, waxaana uu u rajeeyey in shirka kale uu noqon doono miro dhal.

Dr. Cabdiweli Cali Gaas oo ka faalloonaya shirka ayaa sheegay in muhimadda ugu weyn ee shirku gaarey ahayd in doorasho dhacdo, wakhtigeedina ay ku dhacdo, taas marka la eego ayuu yiri farsamada ay ku dhici lahayd iyo nooca ay noqon doonto waa mid fudud oo la heli karo.

Mar uu ka hadley hadal-haynta hal qof iyo hal cod ayuu yiri haddii ay wakhtigeeda ku dhacayso waa arrin wanaagsan oo u baahan in la soo dhaweeyo, laakiin dadka waxaa looga sheekaynayaa dhinaca wanaagsan ee ah, codkaaga ayaad dhiiban, adiga ayaa isa sharixi kara, ergooyin wax ma dooranayaan, hoggaamiye dhaqan codkaaga uma daba fariisaneysid, waxaa loo tarjumayaa in laga baxayo 4.5, taasna waa been kuraasta sideedi ayaa loo qaybin, doorasho qof iyo cod ah waxaa la doonayaa in ay ku fadhido deegaan ee aysan ku fadhiyin beel.

Waxaa la rabaa in dadka run loo sheego, doorasho qof iyo cod ah oo deegaan ku salaysan wakhtigeedana ku dhacaysa haddii la qaban karo hala qabto ayuu yiri mar uu waraydi siiyey Radio Daljir.

Dr. Cabdiweli Cali Gaas

Dr Cabdiweli Cali Gaas ayaa sheegay in golaha shacabku ay ahayd in uu shaqada doorashada qabtaan xili habboon, laakiin ay shaqadoodi, gabeen noqdeen baarlamaan la lee yahay loogana taliyo Villa Somalia, markii xaaladda hadda lagu jiro waxa uu dalku u baahan yahay heshiis siyaasadeed, waxaana laga doonayaa in Madaxweynuhu uu hoggaamiyo heshiiskaas siyaasadeed.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment