Cabdullaahi Barre Oo Kamid ah Xubnaha Loo Saadaalinayo Xilka Raysal Wasaaraha JFS

Published: May 23, 2022

Cabdullaahi Cali Barre oo ka mid ah aqoonyahanka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Maraykanka ayaa kamid ah xubnaha raadinaya xilka Raysal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ninkan dhallinyarada ah oo kusoo barbaaray xeryaha qaxootiga Maraykanka ayaa heerarka waxbarashada sare ku qaatay dalkaasi, wuxuuna haystaa shahaadada Doctorate ee PHD.

Barre oo maamul ahaan kasoo jeeda Jubbaland ayaa kujira xubnaha sida dhow loogu saadaalinayo jagada raysalwasaaraha.

Waxaa si weyn loogu bartay shaqooyinka uu kasoo qabtay gobolka uu ku nool yahay ee Maine, wuxuuna taasi ku helay abaalmarino caalami ah.

Madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maalmaha soo socda lagu wadaa inuu soo magacaabo Raysal Wasaare Cusub si uu usoo dhiso xukuumad dardargelisa shaqooyinka horyaalla dowladiisa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *