Cadaado: Baarlamaanka Galmudug oo shaaciyey shuruudaha murashaxiinta Madaxweyne – VIDEO

Published: January 19, 2017

Xildhibaanada Galmudug oo kulamo ay weli uga socdaan magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Galmudug ayaa bilaabay qaban qaabintii ugu horeysay ee Doorashada Madaxweyne cusub oo bedali doona Cabdikariim Guuleed.

Baarlamaanka Galmudug oo todobaadkan horey u magacaabay guddiga Doorashada iyo Amniga ayaa Arbacadii shalay ku dhawaaqay shuruudaha laga rabo inay soo buuxiyaan murashaxiinta dooneysa inay u tartanto xilka Madaxweynaha Galmudug.

Dhinaca kale Madaxweynihii xilka laga xayuubiyey Cabdikarim Guuleed ayaa weli ku goodinaya inuu awood ciidan adeegsan doono hadii aysan xildhibaanada joojin hawsha ay wadaan, wuxuuna ciidamo dhigay qeybo kamid ah magaalada iyo xarumaha maamulkaasi, hase yeeshee tilaabooyinka ayaan wax hakad ah ku keenin kulamada ay sii wadaan Xildhibaanada Galmudug.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *