Cali Khaliif Galaydh oo Hargeysa safar dhulka ah ku tegay markii u horeysey

Published: February 6, 2017

Madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ayaa maalintii shalay lagu xanibey magaalada Buuhoodle ee muddooyinkii danbe fadhigiisu ahaa. Ciidamo ka tirsan maamulka Khaatumo hubeysan u diideen in uu ka duulo garoonka diyaaradaha ee Buuhoodle.

Cali Khaliif Galaydh ayaa safar ugu bixi lahaa dalka Jabuuti.

Galaydh ayaa safar dhulka ah ugu baxay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland waxaana uu diyaarad ka raacey garoonka magaalada Hargeysa markii u horeysey muddo dheer isaga oo dadku arkayaan.

Cali Khaliif Galaydh ayaa wadahadal la galay maamulka Somaliland, waxaana wada hadalkaas ka soo horjeestey in badan oo kamid ahaa dadkii wax ka dhisey maamulka Khaatumo oo sheegay in aanu iyaga ku metelin wadahadalka. Sidoo kale waxaa khilaaf kala dhex galay tiirarkii Khaatumo ee la baxay G11 iyo G6.

Taliyaha ciidanka u diidey Galaydh in uu ka duulo garoonka Buuhoodle oo lagu magacaabo Col. Cabdifataax Beydan ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan wada hadalka uu wato Galaydh.

Cali Khaliif Galaydh ayaa Jabuuti uga qayb qagakay dhamaystirka wadahadalka Somaliland iyo Khaatumo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *