Cali Guudlaawe oo loogu baaqey in uu is casilo!

Published: May 2, 2024

Odoyaasha dhaqanka, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Beesha uu ka soo jeeedo Madaxweynaha Hirshabeele oo shir ku yeeshay gudaha magaalada Muqdisho ayaa dhawaaqey in madaxweynaha Hirhabeele Cali Guudlaawe uu is casilo kadib markii ay qiimeeyeen xaaladda maamul goboleedkaasi ku sugan yahay.

Bayaanka kasoo baxay shirka waxaa si weyn loogu dhaliilay hanaanka jiritaanka Hirshabeelle iyo hogaaminta Cali Guudlaawe Xuseen oo ay sheegeen inuu ku fashilmay hogaaminta maamulkaas, islamarkaana loo baahan yahay jaanis kale oo lagu xaliyo caqabadaha haysta Hirshabeelle .

“Madaxweyne Cali Guudlaawe waa inuu ka tanaasulo hoggaaminta Hirshabeelle, sababtoo ah wuxuu qeyb ka yahay qacabadaha maamulka, sidaas darteed xalka qeyb kama noqon karo. Waxaan iclaamineynaa shirweyne ay isugu imaanayaan dhamaan waxgaradka, siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka Hirshabeelle, si looga tashado dhismaha HirShabeelle cusub. Waxaan ugu baaqeynaa Madaxweyne Xasan Sheekh inuu si dhow ula socdo xaaladda Hirshabeelle” ayaa lagu yiri bayaanka laga soo saaray shirka.

Waxaa sidoo kale ay sheegaan Duubabka iyo waxgaradka Beesha Abgaal in deegaanada Hirshabeelle ay yihiin kuwa ugu qanisan guud ahaan dalka, hayeeshee haatan ay yihiin deegaanada ugu nasiibka xun Soomaaliya, taasina uu sababteeda leeyahay madaxweyne Cali Guudlaawe.

Doorashada Hirshabeele ayaa lagu wadaa in ay dhacdo dhamaadka sanadkan.

Baaqa odoyaashan ayaa ku soo beegmaya iyada oo gobolka Hiiraan tabasho xoog leh qabo haatana ka go’an yahay maamulka intiisa kale.

Hirshabelle ayaa lagu tilmaama maamul fadhid ah marka loo barbardhigo maamulada kale ee isku wakhtiga la dhisey.

HORSEED MEDIA