Cameron: ” Nooma Qorsheysna In Aan Somaliland Aqoonsanno”

Published: February 22, 2012

Ra`iisul wasaaraa dalka Britain David Cameron ayaa sheegay in dowladda Ingiriisku aysan marnaba ictiraafi doonin maamulka raba in uu Soomaaliya inteeda kale ka go`o ee Somaliland.

Cameron oo waraysi gaar ah siiyey laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC ayaa xusay in dowladiisa aysan marnaba qorshaha ugu jirin aqoonsi ay xiligan siiso maamulka madaxweyne Siilaanyo.

Ra`iisul wasaaraha dalka Ingiriisku oo ka jawaabayey su`aal ay BBC-du weydiisey oo ahayd diyaar ma u tahay inaad Somaliland u ogolaato madax-banaani? wuxuu yiri: ” Shirkani kuma saabsana aqoonsasho Somaliland, mana ahan qorshaha Britain”

Wuxuuna isaga oo hadalkiisa sii wata yiri: ” Qorshaha Britain waxa weeyey in uu xiriir fiicani kala dhexeeyo dhamaan dhinacyada Soomaalida, saldhiggaas ayaanuna ka duuleynaa”

Hadalka kasoo yeeray David Cameron ayaa meesha ka saaraya warar mudooyinkii u danbeeyey laysla dhex marayey oo sheegaya in shirka London uu yahay mid loogu gogol xaarayo sidii Somaliland aqoonsi loo siin lahaa.

Khamiista beri ah ee ay taariikhdu ku beegan tahay 23/2/2011 ayaana la filayaa in uu qabsoomo shirka xal u helidda dhibaatooyinka Soomaaliya looga hadli doono oo ay dowlada Ingiriisku martigelisey ayna kaso qayb gelayaan dhinacyada Soomaalida laguna casumey in ka badan 50-dal iyo hay`ado caalami ah.

 

Horseed Media