Cameron oo ka digey khatar Britain uga timaada Al-shabaab

Published: February 20, 2012

Ra`iisul wasaaraha dalka Britain David Cameron ayaa ka digey khatar dalka Ingiriiska uga timaada kooxaha xagjirka ah ee Soomaaliya gaar ahaan mileeshiyada Al-shabaab.

David Cameron ayaa sidoo kale sheegay in ammaan darida ka jirta dalka Soomaaliya ay tahay mid khatar gelin karta dowladaha gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Wuxuuna ugu baaqay wadamada ku yaal gobolka geeska Africa inay gacan weyn ka geystaan sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka Soomaaliya ragaadiyey ee ay argagixisada iyo burcad-badeednimadu ugu weyn yihiin.

Cameron ayaa dhinaca kale sheegay in xalinta mashaakilka Soomaaliya ay tahay mid u taal dadka Soomaaliyeed, wuxuuna intaas ku daray in dowladda Britian aysan marnaba ogolaan doonin in xaaladdu sidaas sii ahaato.

Ra`iisul wasaaraha Ingiriiska wuxuu baaq u diray qurbe joogta Soomaalida gaar ahaan kuwo dalka Ingiriiska ku nool isagoo ku booriyey inay ka qayb qaataan dadaalada ay beesha caalamku ugu jirto sidii Soomaaliya nabad iyo xasilooni looga dhalin lahaa isagoo taas ka hadlayana wuxuu yiri:

” Waxaa jira Soomaali badan oo dalkan degen kuwaas oo la`aantood aysan suurtagal ahayn in ay Soomaaliya nabadi ka dhalato, fariintaydu waxay tahay ha u noqonina si aad dagaal u gashaan, balse ka qayb qaata sidii sharci iyo kala danbeyn Soomaaliya looga dhalin lahaa”

Digniinta David Cameron ee ku aadan khatar dalka Britain uga timaada kooxaha xagjirka ah ee Soomaaliya ayaa timid kadib markii ay laamaha sirdoonka ee dalkaasiheleen xogo muujinya sida ay suurtagal u tahay in mileeshiyada Al-shabaab ay leedahay khibrad ay gudaha dalka Ingiriiska weeraro uga geysan karto.

Waxayna arintani kusoo beegmeysaa xilli 2-beri ay ka harsan yihiin wakhtigii loo qorsheeyey inuu qabsoomo shirkii xal u helidda dhibaatooyinka Soomaaliya looga arinsan lahaa ee ay dowlada Ingiriisku martigelisey, shirkaas oo ah mid caalami ah ayna kasoo qayb gelayaan ergo ka kala socota 50-dal oo dunida ah.

 

Horseed Media

Xigasho: Iindependent