Canada: Qaar kamid ah hogaamiyayaashii mudaharaadyada abaabulayey oo la xiray

Published: February 18, 2022

Booliiska caasimadda Canada ayaa xiray laba hoggaamiye oo kamid ah kooxda soo abaabushay mudaharaadka gaadiidka ee “Kolonyada Xoriyadda” oo magaalada Ottawa qabsaday ku dhawaad saddex toddobaad, booliiska ayaa khamiistii shalay bilaabay inay olole ay ku doonayaan inay kusoo afjaraan dibadbaxayaasha.

Booliiska ayaa isku gadaamay goobta ay ku sugan yihiin gaadiid gaaraya 400 oo ay wataan mudaharaadayaasha culeyska saaray magaalada Ottawa, siyaasiyiinta iyo shacabka magaalada ku dhaqan ayaa ku tilmaamay banaanbaxan mid go’doomiyey ummada magaaladaasi ku nool.

Gaadiidleyda mudaharaadka wada ee xiray wadooyinka caasimada ayaa ka gadoodsan sharuucda dowlada soo rogtay ee lagu xakameenayo faafida cudurka Covid19 iyo talaalka, dadkan ayey booliiska u qabteen muddo kooban inay ku furaan wadooyinka ay xireen ama xabsiga la dhigi doono.

Booliiska ayaa horey awood u adeegsaday horaantii todobaadkan inay furaan wadada xaduuda isku xirta Canada iyo Maraykanka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *