Caqabad la soo deristay shacabka Dhoobley

Published: December 12, 2019

Caqabadan ayaa waxaa la sheegay in ay ka dhalatay roobab xoogan oo billihii la soo dhaafay ka da’aayay Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

Roobabka ayaa waxay jareen dhammaanba wadooyinkii Degmada Dhoobley, taasoo meesha ka saartay gaadiidkii ganacsiga keeni jiray degmadaasi.

Sicir barar baahsan ayaa laga soo sheegaya in uu xilligan ka jiro Degmada Dhoobley, ka dib markii ay gabaabsi noqdeen raashiinka iyo shidaalkaba.

Ganacsatada Degmada Dhoobley ayaa waxay sheegeen in saddexdii bilood ee la soo dhaafay ay roobab xoogan ka da’een degmada, isla-markaana ay go’an yihiin wadooyinka.

Gudoomiyaha Degmada Dhoobley, Siyaad Maxaned Xasan (Uleex) ayaa wuxuu Maamulka Jubbaland iyo Dowladda Federaalkaba uu ugu baaqay in loo soo gurmado shacabka reer Dhoobley.

Ganacsatada Dhoobley ayaa sheegay in gurmadka ugu muhiimsan ee dadka deegaanka u baahan yihiin uu yahay midka lagu furaayo biyaha badan ee wadooyinka fadhiya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *