Caqabadaha Heshiiska Garowe2 Ka Gudbey Maxaa U Weynaa?

Published: February 18, 2012

Shirka wadatashiga Soomaaliyeed ee Garowe lagu soo gebagebeeyey ayaa ugu danbeyntii ka gudbey caqabado shirku ka gudbiwaayey maalintii u danbeysey, caqabadahaas waxaa u weynaa Maamuka Galmudug ee ka dhisan koonfurta Gaalkacyo oo ku doodey in loo aqoonsado maamul jira isla markaana dastuurka cusub lagu qoro sida Puntland oo kale, Galmudug ayaan ahayn maamul buuxiyey shuruudihii maamul goboleedayada Federaalka Soomaaliya noqonaaya, ma jirto degmo rasmi ah oo jirtey ka hor 1991 oo maamulkaasi lee yahay, waxaana adkaatey in lagu qoro dastuurka maamul aan buuxin shuruudihii dastuurku dhigaayey oo ahaa laba gobol iyo ka badan in ay noqon karaan Dawlad Goboleed, waxaana ugu danbeyntii Galmudug ay sameeyeen tanaasul si heshiiska loo saxiixo, inkasta oo ay keeneen xujo kale oo ah in Soomaaliya dib loogu celiyo 8 Gobol oo ay ahaayeen 1960-kii, taas oo aan noqon mid meel marta.

Caqabada labaad ayaa ahayd markii Xildhibaanadii uu hoggaaminaayey Shariif Xassan Shiikh Adam ay la yimaadeen shuruud ah in 50 xubnood iyaga la siiyo maadaama ay mugdi gashey in ay dib u soo noqonayaan iyo in kale, waxaana ugu danbeyntii lagu heshiiyey in tirada kor loo qaado lana gaarsiiyo 250 Xildhibaan halkii horey loogu heshiiyey 225 Xildhibaan.

Dhanka kale heshiiskan oo aan weli si rasmi ah u soo gaarin gacanta saxaafadda, ayaa qeexaya gobolada Soomaaliya in ay yihiin 18 gobol, taas oo lagu qeexayo dastuurka federaalka, waxaana iska hor imaad uu galayaa Dasuurka Puntland ee dhawaan la soo bandhigey iyo tirada Gobolada ee lagu qori doono Dastuurka Federaalka, Puntland waxaa dasdtuurka ugu qoran ilaa 8 gobol, waxaana lagama maarmaan noqon doonta in labada dastuur la is waafajiyo isla martkaana laga saaro ilaa 3 gobol oo Puntland samaysatey, sidoo kale Gobolka Sool ayaan Puntland ka talin 90% taas oo qeexid u baahan.

Si kastaba ha ahaatee Heshiiskan oo beesha caalamku taageersan tahay ayaa muhimad weyn lagu siin doonaa shirka London ee blaaban doona 23 Feberaayo 2012, Waxaana lagu wadaa in shirkaas lagu soo bandhigo qaabka Reer-galbeedka iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya ay wax uga qaban karaan xaaladda Soomaaliya ee cakiran 20-kii sano ee u danbeysey.

Axmed Muuse
Horseed Media