Category: Somali News
-
Madaxweynihii hore Bush oo u hambalyeeyay Biden
Madaxweynihii hore ee Maraykanka George W Bush oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa kamid noqday hogaamiyayaasha faro ku tiriska ah ee Jamhuuriga ee soo dhaweeyey guusha Murashaxa Xisbiga Dimuquraadiga Joe Biden. George W Bush ayaa ku tilmaamay Biden nin wanaagsan oo mideyn kara shacabka Maraykanka oo xiligan khilaaf weyn ka dhex taagan yahay. Donald Trump,…
-
Azerbaijan oo sheegtay inay Armenia ka qabsatay magaalo muhiim ah
Ciidamada Azerbaijan ayaa la sheegay in Axadii shalay ay gudaha u galeen magaalada Shusha oo ah magaalada labaad ee ugu weyn gobalka la isku heysto ee Nagorno-Karabakh. Magaalada Shusha ayaa ku taala wadada isku xirta dhulka Armenia iyo caasimada gobalka lagu dagaalamayo ee Stepanakert. Shusha ayaa sidoo kale ahaan jirtay magaalada ay degen yihiin dadka…
-
Ethiopia: Hogaamiyaha Tigrayga oo baaq u diray Midowga Afrika
Madaxweynaha maamulka Tigrayga ayaa sheegay in dhankooda diyaar u yihiin in Beesha Caalamka dhex dhexaadiso iyaga iyo Xukuumada Federaalka ee Abiy Ahmed. Qoraalkan la sheegay in loo diray Midowga Afrika ayuu hogaamiyaha Tigrayga Debretsion Gebremichael ku sheegay in Abiy Ahmed uu doonayo inuu si sharci daro ah ku burburiyo maamulkooda. Maamulka Tigrayga oo sheegay inay…
-
Xulafada Sacuudiga oo ka walaacsan guusha Biden
Boqortooyada Sacuudiga ayaa kamid ah wadamada weli aan hambalyada u dirin Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Joe Biden. Dowlada Sacuudiga gaar ahaan dhaxal-sugaha Maxamed Bin Salmaan oo xiriir wanaagsan la lahaa Donald Trump ayaa ka walaacsan balan-qaadkii Joe Biden uu sameeyey xiligii uu ku jiray ololaha Doorashada oo ahayd inuu joojin doono dagaalka ka socda…
-
Murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo diiday guddiyadii Doorashada ee lagu dhawaaqay
Murashaxiintan gaareysa 12 oo ay ku jiraan kuwa ka tirsan xisbiyada Qaran ee Madaxdii hore ee dalka ayaa sheegay inay qaadaceen guddiyadii Doorashooyinka oo uu todobaadkii tagay ku dhawaaqay Raysalwasaare Maxamed Xuseen Rooble. “…Waxaan si xoogan u Diidanahay Dhismaha Guddiyada Doorashooyinka kadib markaan Xaqiiqsannay in Xafiisyada Madaxweynaha iyo R/wasaaraha ay xubnaha guddiyada doorashooyinka u soo…
-
USA: Joe Biden “…Waa dhamaatay xiligii Cadaawadda…”
Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Joe Biden iyo Kuxigeenkiisa Mrs.Kamala Harris oo soo jeediyey khudbadoodii ugu horeysay kadib guushoodii doorashada ayaa shacabka Maraykanka ugu baaqay inay midnimadooda xoojiyaan. Madaxweynaha 46aad ee Maraykanka iyo kuxigeenkiisa oo ay wehliyaan qoysaskooda ayaa kumanaan shacab ah kula hadlay magaalada Wilmington ee gobalka Delaware oo uu degen yahay Joe Biden.…
-
Joe Biden oo ku guuleystay Doorashada Madaxweynaha Maraykanka
Warbaahinta Maraykanka ayaa bilaabay inay ku dhawaaqaan in Murashaxa Xisbiga Dimuquraadiga Joe Biden uu ku guuleystay Doorashada Madaxweynaha. Sida muuqata Biden ayaa helay codod ku filan kadib markii la dhameystiray inta badan cododkii gobalka Pennsylvania oo siineysa Joe Biden ergo gaareysa 20 taasi oo ka dhigeysa in la hubo ergadiisa inay gaareyso 273 oo ka…
-
Barlamaanka Ethiopia oo Taageeray Qorshaha Abiy Axmed uu ku Bedelayo Maamulka Tigray
Barlamaanka Ethiopia ayaa maanta sabti ah meel mariyay qorshe uu watay Ra’isul wasaare Abiy Axmed oo maamul ku meel gaar ah loogu samaynayo is maamulka Tigray-ga Itoobiya. Ra’isul wasaaraha ayaa magacaabi doono madaxweynaha iyo saraakiisha sarsare ee maamulka Tigrey. Dhinaca kale, Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa ku goodiyay in Ciidamada Cirka ay qaadi doonaan weerar…
-
Baarlamaanka Hirshabeelle Oo Ansixiyey Guddiga Doorashada Madaxweynaha Iyo Ku-xigeenkiisa
Baarlamaanka labaad ee baarlamaanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle ayaa maanta ansixiyey guddiga doorashada madaxweynaha Hirshabeelle iyo kuxigeenkiisa. Guddiga oo uu magacaabay guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Cabdixakim Luqmaan ayaa laga sugaa inay diyaariyaan jadwalka doorashada isha lagu wada hayo ee madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa. Horseed Media
-
CCW: Xubno ku Caanbaxay aflagaadaynta Mucaraadka ayaa ka mid ah guddiga Doorashada
Guddoomiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa walaac iyo kalsooni darro ka muujiyay guddiga maamulaya doorashada xubnaha labada aqal ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Waxa uu sheegay in inta badan guddiyada la magacaabay ay ka tirsan yihiin Hay’ada Nabad sugidda ee NISA, halka kuwa kalana ay ku caanbaxeen tageerada madaxweyneha iyo aflagaadaynta mucaraadka dhinaca baraha bulshada.…
-
Rooble Oo Magacaabay Guddiga Doorashada Xildhibaanada Waqooyi Iyo Cabdi Xaashi Oo Qaadacay
Raysal Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay magacaabay guddiga maamulaya doorashada xubnaha labada aqal ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda Gobolada Waqooyi/Somaliland. Guddigan oo ka kooban 11 xubnood oo ka soo jeeda gobolada Waqooyi, ayaa waxaa qaadacay guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi. Cabdi Xaashi ayaa sheegay…
-
Qoor-qoor Oo Magacaabay Guddiga Doorashada Dadban Ee Galmudug
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor ayaa magacaabay guddiga doorashada dadban ee xildhibaanada dowlada federaalka Soomaaliya. Guddigan oo ka kooban 8 xubnood ayaa laba ka mid ah yihiin Haween, Galmudug ayaa noqonaysa maamulkii seddexaad ee soo magaacaba guddiga doorashada dadban ee heer maamul goboleed, waxaa ka horeeyey Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.…