CCW: Xubno ku Caanbaxay aflagaadaynta Mucaraadka ayaa ka mid ah guddiga Doorashada

Published: November 7, 2020

Guddoomiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa walaac iyo kalsooni darro ka muujiyay guddiga maamulaya doorashada xubnaha labada aqal ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in inta badan guddiyada la magacaabay ay ka tirsan yihiin Hay’ada Nabad sugidda ee NISA, halka kuwa kalana ay ku caanbaxeen tageerada madaxweyneha iyo aflagaadaynta mucaraadka dhinaca baraha bulshada.

waxa kaloo uu sheegay in la baalmaray heshiis dhigayay in guddoomiyaha aqalka Sare Cabdi Xaashi looga dambeeyo soo xulida xubnaha gobolada Waqooyi (Somaliland) uga mid noqonaya guddiga doorashada Heer federaal.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *