China oo balanqaad u sameysay xukuumada Talibanka, Afghanistan

Published: March 25, 2022

Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi oo Khamiistii shalay booqasho ku tagay caasimadda Afgaanistaan ee Kabul, ayaa la kulmay mas’uuliyiin uu kamid ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee Taalibaan Amir Khan Muttaqi.

Maamulka Talibaan ee Afgaanistaan ayaan weli laga aqoonsan caalamka, hase yeeshee booqashada wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha ee Kabul ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah Talibaan.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Taliban Abdul Qahar Balkhi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in marka laga soo tago arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha, kulankan looga hadlay doorka Afghanistan ee mashruuca Belt and Road ee Shiinaha iyo arrimo kale oo labada dhinac ah.

Wang Yi, ayaa gaaray magaalada Kabul kadib markii uu magaalada Islamabad kaga qeyb galay shir laba maalmood socday oo ay lahaayeen Golaha Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC.

Sida laga soo xigtay Abdul Qahar Balkhi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa booqasho ku tagay Kabul, si uu ugala hadlo maalgashiga macdanta, tamarta iyo aagagga dhaqaalaha ee Afgaanistaan ​.​”Beijing waxay haysataa fursad ay ku kordhiso saameynta ay ku leedahay Afgaanistaan”. Ayuu yiri Abdul Qahar.

Wang Yi waa masuulkii ugu sarreeyay ee Shiinaha oo booqda Afgaanistaan tan iyo markii ay Talibaan qabsadeen magaalada Kabul bishii Ogosto ee sanadkii hore.

Booqashada Wang Yi ee Kabul ayaa imaaneysa, xilli Shiinahu uu martigelin doono shir ay isugu imaanayaan diblamaasiyiin sarsare oo ka socda dalalka dariska la ah Afgaanistaan oo ka dhici doona magaalada Beijing dhammaadka bishan, kaas oo looga hadlayo xaaladda Afghanistan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *