China oo Maraykanka uga digtay hubka uu ka iibinayo Taiwan

Published: October 23, 2020

Dowlada China ayaa sheegtay in go’aanka dowlada Maraykanka hubka uga iibineyso Taiwan ay si weyn u dhaawici doonto xiriirka Maraykanka iyo China.

Maraykanka ayaa qorsheenaya in Taiwan uu ka iibiyo hub qiimihiisa lagu sheegay 1.8 bilyan oo ay doonayaan inay gataan ciidamada Taiwan, hubkan ayaa waxaa kamid ah boqolaal gantaalada cirka iyo dhulka ah.

Shiinaha ayaa sheegay in ay qaadi doonaan tilaabo ay uga jawaabayaan arrintan. China ayaa u aragta Taiwan dhul kamid ah wadankooda, halka Taiwan ay leedahay ismaamul u gaar ah.

Xukuumada China ayaa cadaadis xoogleh saartay Taiwan sanadihii lasoo dhaafay.

Wasiirka Difaaca Taiwan Yen De-fa ayaa sheegay inaysan dooneyn in ay tartanka dhanka hubka ah la galaan China, balse waxa kaliya oo ay doonayaan ay tahay inay casriyeeyaan ciidamadooda, wuxuuna soo dhaweeyey go’aanka kasoo baxay Maraykanka Khamiistii shalay.

Dowladihii hore ee Maraykanka ayaa ka fogaan jiray in tiro badan oo hub ah ka gadaan Taiwan iyagoo tixgelinaya xiriirka China, balse xukuumada Trump ayaa xiligan ololahooda doorashada ku galaya inay cadaadis saareen China, Trump ayaa sidoo kale taageera dhaqaale ka hela shirkadaha hubka soo saara ee doonaya in mashruucan la dardar geliyo.

Hanad Askar
Horseed Media  

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *