CHINA oo markale hanjabaad dagaal u dirtay Taiwan

Published: January 29, 2021

Dowlada China ayaa sheegtay in maamulka Taiwan haduu ku dhawaaqo madax-banaani rasmi ah ay la micno noqon doonto ku dhawaaqid dagaal ka dhan ah China ayna tilaabo ka qaadi doonaan militarigooda.

Taiwan oo ah ismaamul gaar ah balse China ay weli u aqoonsan tahay jasiiradaasi qeyb kamid ah dhulweynaha Shiinaha, magaca maamulka Taiwan ee rasmiga ah ayaa weli ah Republic of China, waxaana aasaasay maamulka Taiwan siyaasiyiintii ka baxsaday maamulkii shuuciga ahaa ee la wareegay dowlada China wax yar kadib dhamaadkii dagaalkii labaad ee dunnida.

Militariga China waxay diyaar u yihiin inay jawaab cad ka bixiyaan daan daansiga iyo farogelinta shisheeye…. Madax-banaanida Taiwan ku dhawaaqdo ama aqoonsi lasiiyo waxay lamid noqon doontaa dagaal militari oo lagu soo qaaday wadanka China…Ciidamada Taiwan ee doonaya inay dab ku ciyaaraan iyaga ayaa ku guban doona….”

WU QIAN, Afhayeenka Wasaarada Gaashaandhiga China 28-01-2021

China ayaa dar dar gelisay dhaq dhaqaaqa militari oo ay ka wado biyaha jasiirada Taiwan oo ay maalmihii lasoo dhaafay u direysay maraakiib dagaal iyo diyaaradaha wax duqeeya, arrintan oo ay walaac ka muujisay dowlada Maraykanka oo xulafo la ah maamulka dimuquraadiga ah ee ka jira Taiwan.

Hadalada kasoo baxay China ayaa lagu soo beegay xili Maraykanka uu Taiwan usoo diray maraakiibta dagaalka oo tababaro iyo dhoolatus la sameyn doona ciidamada Taiwan.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *