Ciidamada ammaanka oo soo bandhigay gaari u rarnaa kooxda al-shabaab ee buuraha Golis [Codad+Sawiro]

Published: February 28, 2012

Saldhigga dhexe ee Booliska degmada Boosaaso waxaa maanta lagu soo bandhigay gaari raashin iyo qalab u sidey kooxda al-shabaab ee buuraha Golis ee dhowaan shaaciyey inay ku biireen Al-shabaab.

Mas’uuliyiin ka tirsan wasaarada amniga ee Puntland, Taliska sare ee ciidamada Booliska gobolka Bari, iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Daraawiishta oo saldhigga dhexdiisa Saxaafadda shir ugu qabtay ayaa ka warbixiyey qaabkii ay gaarigan usoo qabteen iyo meeshii uu ku socdey.

Jaamac Siciid Warsame (afguduud) oo ah taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland ee ku sugan aagga Galgala iyo Sugurre ayaa ugu horeyn hadlay wuxuuna sheegay in gaarigan oo sida raashin ay qabteen ciidamadu isaga iyo sadex nin oo watey.

Dhegeyso codka taliye Afguduud

Wasiir ku xigeenka wasaarada amniga ee Puntalnd Cabdijamaal Cismaan Maxamed oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin sida ay ciidamada ammaanku gaarigan gacanta ugu soo dhigeen isagoo xusay in agabka gaarigaas lagu soo qabtay uu ahaa mid la rabay in dadka iyo dalka lagu waxyeeleeyo.

Dhegeyso codka wasiir ku xigeenka amniga

Axmed Cabdi Gurxan oo isna ahaa ninkii gaarigaasi u rarnaa ayaa gudaha saldhigga Saxaafadda kula hadlay wuxuuna sheegay in gaarigaasi uu isaga u rarnaa islamarkaana uu raashinka iyo qalabka lagu qabtay u sidey kooxaha ku sugan buuraleyda Golis.

Dhegeyso codka ninka gaarigu u rarnaa

[powerpress: url=”https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2012/02/Axmed-Cabdi-Gurxan-ninkii-gaarigu-u-rarnaa.mp3″]

Siciid Maxamuud Cartan oo ah dareewalka gaarigaas wadey ayaa sheegay in isagu uusan waxba kala socon arintan haseyeeshee gaarigiisa laga kiraystay kadibna ay ciidamadu soo qabteen xilli ay marayeen meel aan magaalada Boosaaso wax badan ka durugsanayn.

Dhegeyso codka dareewalka

[powerpress: url=”https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2012/02/Siciid-Maxamuud-Cartan-Dareewal.mp3″]

Waa markii ugu horeysey oo ay ciidamada ammaanka ee Puntland gacanta ku soo dhigaan gaari raashin iyo qalab u sidey xoogaga Galgala, waxayna arintani kusoo beegmeysaa xilli dhowr beri kahor ay shaaciyeen inay ku biireen xarakada Al-shabaab.

Horseed Media