Ciidamada ammaanka Puntland oo Burcad-badeed qabtay[Cod+Sawiro]

Published: February 13, 2012

Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa howlgal ay ka sameeyeen xeebaha fog fog kusoo qabtay koox ka tirsan Burcad-badeeda Soomaalida.

Wasiirka wasaaradda amniga ee Puntland Khaliif Ciise Mudan oo maanta magaalada Garoowe Saxaafadda shir ugu qabtay ayaa ka warbixiyey qaabkii dadkaas loo soo qabtay.

Wuxuuna sheegay in ciidamo ka tiran kuwa ammaanka oo howlgalo kormeer ah ka sameynayey deegaano ka tirsan gobolka Nugaal oo kulaala badweynta India ay la kulmeen koox Burcad-badeed ah oo 11-qof ka kooban.

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in raggaas oo xiligii gacanta lagu dhigay qorsheynayey weerar ay qaadaan loosoo dhaadhiciyey dhinaca magaalada Garoowe oo ay haatan xabsigeeda dhexe ku xiran yihiin.

Mudane Khaliif Ciise waxa kale oo uu sheegay in kooxdan jirri badeeda ah oo laga soo qabtay meel u dhow deegaan xeebeedka (Gabbac) lala soo qabtay gaari, laba jaran jaro (Sallaan), iyo hal matoor, isagoo sidoo kale xusay in la gubey doonidii ay wateen maadaama ay suurtoobi weydey in lasoo qaado.

Dhegeyso codka Col. Khaliif Ciise Mudan

[powerpress]

22/11/2011 ayey ahayd markii sidan oo kale gacanta loogu soo dhigay 9-nin oo Burcad badeed ah kuwaas oo iyaga iyo qalabkii ay wateenba la keenay magaalada Garoowe kadib markii laga soo qabtay deegaanada Ilig iyo Garacad.

Waxayna arintani u muuqataa mid ka turjumeysa sida ay xukuumadda Puntland uga go`an tahay la dagaalanka iyo cirib tirka Burcad-badeeda oo noqday dhibaato saamaysay dalka oo dhan iyo guud ahaan dhaqaalaha dunida.

 

Horseed Media