Ciidamada Amniga Puntland oo Fashiliyay Qarax lala Damacsanaa Bosaso-VIDEO

Published: January 21, 2020

Ciidanka Booliiska gobolka bari oo kaashanaya ciidamada PSF ayaa sheegay inay fashiliyee qarax Miino oo la doonayay in lagu waxyeeleeyo shacabka magaaladda Bosaso.

Miinada la qabtay oo ah nooca dhulka lagu aaso ayaa lagu qariyay guri ku yaal magaaladda Bosaso sida uu sheegay Taliyaha Booliiska Gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamed.

Taliyaha oo ka hadlayay sida ay ku ogaadeen guriga lagu qariyay miinooyinka, waxaa uu sheegay in dad shacab ah ay la xiriireen taliska qaybta booliiska Gobolka Bari

Gobta Cawa Qaraxaan Ay Cidamada Ay Ku Soo Sareen Waxaa Goob Joog Ka Ahaa Taliska Qeybta Boliska Gobalka Bari, Taliyaha Cidanka Birmadka Iyo Sarakiil Ka Socotay Cidamada PSF” ayuu yiri G/Sare. Xuseen

Taliyuhu ma sheegin in la soo qabtay dadkii miinadan ku qariyay guriga iyo dadkii iska lahaa guriga lagu qariyay.

Waa markii labaad oo ciidamada Booliisku ay soo bandhigeen miinooyin iyo Waxyaabaha kale ee qarxa oo ay ka soo qabteen xaafadaha Magaaladda Bosaso, hase yeeshee ma jirto cid loo soo qaybtay.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *