Ciidamada ATMIS oo 16 Sano Ka Dib Wareejinaya Amniga Madaxtooyada Soomaaliya

Published: December 17, 2023

Ciidamada Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya ee loo yaqaan (ATMIS), ayaa 16 Sano ka dib ka guuraya xafiisyada madaxda & Madaxtooyada Qaranka. ATMIS ayaa gabi ahaan isaga baxaysa saldhigyada ay ku lahaayeen Madaxtooyada iyo Baarlamanka Soomaaliya.

Tallaabdan ayay dowladda Soomaaliya ku sheegtay in ay guul u tahay Qaranka, iyado oo ay Ciidamada Qaranka dusha laga saari doono mas’uuliyadda amni ee dhamaan xafiisyada ugu sareeyo dalka.

Afhayeenka Ciidamada ATMIS, Saidi Mwachinalo, oo wareysi siiyay warbaahinta, ayaa sheegay in qorshaha ka bixitaanka ciidamada ATMIS ee dalka uu bilowday tan iyo markii la ansixiyay go’aankii Qaramada Midoobay in Ciidamada Soomaaliya lagu wareejiyo mas’uuliyadda amniga.

Afhayeenka ayaa sheegay in 3,000 oo askari oo ATMIS ah ay Ciidamada Soomaaliya wareejin doonaan xarumaha muhiimka ah ee dowladda oo ay ku jirto madaxtooyada ilaa 31-ka bishan December.

Wajiga labaad ayaa bilaaban doona bisha May ee sanadka soo socda 2024kii, iyadoo 3,000 oo askari ATMIS ay iyaguna ka bixi doonaan dalka.

Horseed Media