Ciidamo ka tirsan ATMIS oo Qarax lagula beegsaday magaalada Muqdisho

Published: July 18, 2022
Ciidamada ATMIS

Qarax xooggan oo ahaa miinada dhulka lagu Aaso ayaa goordhaweyd ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Qaraxa oo jugtiisa si weyn looga Maqlay xaafado iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa ka dhacay Xaafadda Cali-kamiin ee degmada Warta-nabadda.

Qaraxa ayaa lala beegsaday Ciidamo katirsan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS oo sida la sheegay waddada marayay.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa sheegay in qaraxa uu haleelay mid kamid ah Gaadiidka Ciidamada, isla markaana uu jiro khasaaro dhaawac ah oo Ciidamada iyo dad Shacab ah kasoo gaaray qaraxa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *