Ciidamada Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay Nin ku eedeysan inuu dil geystay

Published: May 21, 2023
Shares4

Ciidamada Booliska Gobolka Nugaal ayaa Gacanta ku dhigay Axmed Maxamed Shire oo ku eedeysan in uu dil u geystay Cabdiqadir Siciid Cabdi.

Dilka Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiqaadir oo habeen kahor ka dhacay Magaalada Garowe ayaa loo adeegsaday toorey, waxaana la sheegay inuu ahaa wiil  de’ yar oo arday ah.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Waalidiinta eedeysanaha iyo Bulshadii ka qeyb qaadatay soo qabashadiisa.

Taliyaha Qaybta Nugaal G/Sare Xusseen Cali Maxamuud ayaa sheegay In Eedeysane Axmed Maxamed Shire hadda uu ku xiran yahay Saldhiga Dhexe ee Garoowe baaritaana lagu wado sharcigana la horgeyn doono.

Horseed Media