Ciidamada Booliska Puntland Oo Soo Bandhigay Horjoogayaal Ka Tirsan Kooxda Daacish

Published: July 1, 2023

Taliska qeybta Ciidanka Booliska Puntland ee Gobolka Bari ayaa soo bandhigay Hor-joogayaal ka tirsanaa kooxda Argagixisada ISIS/Daacish kuwaas isku soo dhiibey ciidamadda dowladda.

Dhawaan ayey aheyd markii markii Ciidanka Difaaca Puntland, Guutada 9-aad ee Onkod oo kaashnaya Ciidanka Booliska Puntland hawl-gal ay fulliyeen ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan 9 Hor-jooge oo ka tirsan Kooxda Argagixisada ee ISIS/Daacish.

Hawl-galka oo laga fuliyey degaanadda Camaamo iyo Siido ee degmadda Balidhidhin Gobolka Bari.

Kooxaha ayaa qaarkood u kala dhashay dalalka Suudaan, Suuriya, Itoobiya iyo Koon-furta Soomaaliya.

Horseed Media