Ciidamada Booliska Soomaaliya oo Alshabaab ka qabtay 140 Hoobiye

Published: March 10, 2024

Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo bandhigay tiradii ugu badneyd oo isugu jira hoobiyaal iyo hub kale oo kooxda Al-shabaab ku qarsatay dhulka hoostiisa.

Afhayeenka ciidanka Booliska Qaasim Axmed Rooble oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay howlgal ay xalay abaara 12:00 Habeenimo  ka sameeyeen magaalada Muqdisho ku soo qabteen tiro hoobiyaal oo gaarayo ilaa iyo 140 xabo oo isugu jiro kuwa garbaha laga tuuro iyo kuwa laga sameeyo Baaruudda qaraxda.

Afhayeenka ayaa sheegay in howlgalkan oo meelo kala duwan ka dhacay uu ka dhashay kadib markii kooxda Khawaarijta soo tuureen labo Hoobiye kadibna ciidanka sidaas ku tixraaceen.

Sidoo kale afhayeenka ayaa sheegay in dabkii saaka aroortii hore ka kacay Suuqa Bakaaraha uu ka dhashay qarax ay Khawaarijga ku qariyeen meel qashin ah

Horseed Media