Ciidamada Booliska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay Nin loo heysto dilka Hibo Qaasim

Published: August 18, 2022

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo howlgal ka sameeyey deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane loo heysto inuu ka dambeeyey dilka Alle ha u naxariistee Hibo Qaasim Maxamed oo aheyd gabar ardayad ah oo ku baastay imtixaankii dugsiyada sare ee ay qaaday dowladda Soomaaliya.

Taliyaha qeybta Galbeed Ciidanka Booliska ee gobolka Banaadir Yaasiin Ganey ayaa sheegay in dabagal dheer oo ay sameeyeen ciidamada Booliska oo kaashanaya Maamulka degaanka Ceelasha Biyaha ay kusoo qabteen Ninka dilka geystay oo lagu Magacabo Jeylaani Aadan Abaadir.

Taliye Yaasiin Ganey ayaa sheegay in eedeysanaha uu marxuumadda u dilay taleefan dartii, kaas oo uu doonayey inuu ka dhaco.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay u gudbin doonaan hay’adda dambi baarista CID-da si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

AHUN Maruumad Hibo Qaasim oo aheyd Ardayad da’yar oo sanadkan ka qalin jebineysay dugsiga Sare ayaa qeyb gashay imtixaankii ay qaadeysay dowladda Soomaaliya ee dhowaan la shaaciyey, waxaana dilkeeda ka naxay dad badan oo Soomaaliyeed.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *