Ciidamada Booliska Soomaaliya oo howlgal ku soo qabtay hub iyo dad fara badan

Published: July 25, 2022

Taliska Ciidamada Booliska ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgal xalay ka dhacay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu soo qabtay hub iyo dad fara badan.

Afhayeenka Booliska, Cabdifitaax Aadan Xasan oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in howlgalkan lagu soo qabtay illaa 74 kamid ah kooxaha ciyaal weerada ee dhibaatada ka geysan jiray xaafado ka tirsan degmada Kaaraan oo ah meesha uu howlgalku ka dhacay.

Mindiyada casriga ah ee howlgalka lagu soo qabtay

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in hub ay ku jiraan Mindiyo casri ah iyo dharka tuutaha ciidanka ay kusoo qabteen inta uu socday howlgalkaas oo ahaa mid amni xaqiijin ah.

Ugu dambeyn afhayeenka ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan caasimada in ay wada shaqeyn dhow la yeeshaan laamaha ammaanka ee howlgallada ka wada gobolka Banaadir.

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada dowladda oo ayaa magaalada Muqdisho weday howlgal ka dhan ah burcadda hubeysan iyo ciyaal weerada oo ay cabasho badan ka muujiyeen shacabka ku dhaqan caasimadda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *