Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa taliye cusub u magacabaay Saldhiga Degmada Guriceel oo dhawaan ciidamada dawlada…
Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa taliye cusub u magacabaay Saldhiga Degmada Guriceel oo dhawaan ciidamada dawlada federaalka ah ee Soomaaliya ay kala wareegeen maamulka ahlu sunah wal-jameeca oo mudo ka talinayay degmadaas.
Zakariye Cabdi Cali ayaa loo magacaabay taliyaha saldhiga Guriceel, Sarkaalkaan ayaa hogaaminayay ciidamadii la wareegay gacan ku haynta guri-ceel, Ciidama Ahlu-sunah wal-jameeca ayaa intooda badan ku biiray kuwa ciidamada DFS.
Xalada Guriceel ayaa deggan, iyadoo weli ay jirto xiisad siyaasadeed oo u dhaxaysa Dawlada Federaalka ah iyo madaxda maamulka ahlu-sunah wal-jameeca.
Horseed Medai, 2019