Ciidamada Danab oo hawlaglo ka fuliyey Jubbada Hoose

Published: June 2, 2023

Ciidanka Kumandoosta Danab oo kaashanaya saaxiibadda caalamiga ah ayaa weerar qorsheysa la beegsaday kooxda Alshabaab oo ku sugnaa duleedka magaalada Kismaayo.

Howlgalkaasi oo ka dhacay deegaan 60-Km koofurgalbeed kaga beeegan Kismaayo , waxaa lagu dilay Saddex xubnood oo ka tirsan Alshabaab, ayaa lagu yiri war kasoo baxay Dowlada Federaalka.

Weli faah faahin dheeraad ah lagama hayo khasaaraha labada dhinac, iyadoo kooxda Al Shabaab oo ku xoogan koonfurta Soomaaliya ay weeraro uga geysteen xarumaha ciidamada Jubaland iyo kuwa Federaalka ku lahaayeen gobalkaasi.