Ciidamada Danab oo howlgal ku dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

Published: July 18, 2022

Komaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab, gaar ahaan Ururka 5-aad, Guutada 16-aad ayaa ayaa hawlgal qorshaysan ka sameeyey gobolka Jubbada Hoose kaas oo lagu dilay horjoogayaal sare oo ka tirsan Al-shabaab.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday xarumo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Labakuus oo ka tirsan gobolkaasi.

Qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Danab ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaas ay ku dileen ugu yaraan illaa 5 ka tirsanaa Al-Shabaab oo uu jiro sarkaalkii heystay deegaankaasi, sidoo kalena ay nolosha qaybteen xubin kale oo ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale ciidamada Danab ayaa shaaca ka qaaday in ay hub kusoo furteen howlgalkaasi, isla-markaana ay sii wadi doonaan, si looga hortego weerarada Al-Shabaab.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ayaa dhaq-dhaqaaqyo culus ka waday gobollada Jubbooyinka ee koonfurta dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *