Ciidamada Dawladda Oo Baaritaano Ka Wada Magaalada Muqdisho

Published: February 20, 2012

Ciidamada Dawladda kumeel gaarka ah oo isugu jira Booliska iyo Mileteriga ayaa bilaabey baaritaano xoog leh, kuwaas oo ay guryaha gudaha u galayaan iyaga oo ka baaraya hub iyo waxyaabaha qarxa iyo weliba dadka amaan darida Muyqdisho ka wada.

Ciidanka Amaanka ee Dawladda Federaalka ayaa sheegay in hawlgaladan ay qayb ka tahay sugitaanka amniga, kadib markii ay magaalada Muqwdisho ku soo badanayaan weeraro ah ku dhufo oo ka dhaqaaq.

Meelaha u badan ee Baaritaanadu ka socdaan waxaa ka mid ah Wadajir, Dharkeynley, Yaaqshiid iyo Kaaraan kadib markii meelahaas weerao gaadmo ah oo laga soo abaabuley xaafado ay ka dhaceen.

Booliska ayaa sheegay in ay soo qabteen hub faro badan iyo dad ku lugleh amaandarida ku soo badety magaalada Muqdisho.

Waa baaritaankii u weynaa ee muddooyinkan ka dhaca magaalada Muqdisho, ma jirto dagaalo xoogleh oo magaalada ka dhaca marka laga reebo weeraro gaadmo ah oo meelaha qaarkood ay ka fuliyaan Xarakada al-Shabaab iyo qaraxyo ismiidaamin ah.

Horseed Media