Ciidamada DFS oo Al-Shabaab ka qabsaday deegaanno ka tirsan gobolada Shabeelooyinka

Published: September 30, 2022

Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa qabsaday deegaanno ka tirsan shabeelooyinka, kadib howlgal qorsheysan oo ay subaxnimadii saaka kafuliyeen deegaanka Basra iyo Tuulooyin kale.

Deegaanada ay sida buuxda ula wareegeen Ciidamada dowladda ayaa lagu sheegay ku dhawaad 9 tuulo oo ka mid yihiin Basra, Sapyo, Baqdaad iyo Beled Al Kariim.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka ay burburiyeen Saldhiggii ugu weynaa Ururka Al-shabaab ee Deegaanada ay la wareegeen, islamarkaana aysan jirin wax iska cabin ah oo ay ciidamadu la kulmeen inta howlgalku Socday.

Deegaanka Basra waa degaan Istiraatiiji ah oo isku xira gobalada Shabeellada Hoose iyo Shabeelada Dhexe.

Horseed Media