Ciidamada DFS oo howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaan katirsan gobolka Sh/dhexe

Published: October 18, 2022
Shares8

Ciidamada Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo dadka deegaanka oo is kaashanaya ayaa maanta howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Xalfooleey ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Sida lagu sheegay war lagu baahiyey wakaaladda SONNA Ciidamada ayaa jidka ugu galay Xubno katirsan Al-shabaab oo socoto ahaa iyagoo gubay mid ka mid ah gawaaridii ay wateen sidoo kalana dilay tobaneeyo ka tirsan xubnihii halkaasi isaga kala gudbayay.

Ciidamada dawladda iyo dadka deegaanka ayaa dhulka Howdka ee Gobalka Shabeellaha dhexe ka wada hawlgallo ka dhan ah Al-shabaab.

Horseed Media