Ciidamada DFS oo la wareegay deegaanno hoostaga Degmada Baxdo

Published: September 25, 2022
Shares84

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa saaka howlgallo ka sameeyey deegaanno hoostaga Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud ee Dowlad goboleedka Galmudug.

War ka soo baxay Dowladda ayaa lagu sheegay inay ciidamadu qabsadeen deegaannada kala ah Maygaag, Duub, Dhisaqa, Abooray iyo deegaanno kale.

Dowladda ayaa sheegtay in Ciidanka Federaalka garab ay ka heleen Dadka Deegaanka oo ay hormuud u yihiin Culimada, howlgalkana uu u dhacay sida loo qorsheeyay sida lagu yiri warka kasoo baxay DFS.

Bayaanka Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in howlgallada ay kasii socdaan deegaanno dhanka Bari ka xiga Magaalada Baxdo ee Gobolka Galgaduud, ujeedka ugu weyn uu yahay sidii gacanta loogu dhigi lahaa deegaannada ay Al-Shabaab ku sugan yihiin.

Horseed Media