Ciidamada Difaaca Puntland oo horumar ka sameeyey dagaalka Daacish

4 hours ago

Kadib hawlgal loogu magacdaray Hillaac oo ciidamada difaaca Puntland ay ka bilaabeen buuraha Calmiskaat ee gobolka Bari, dhamaadka bishii hore ee Dismeebar 2024 ayaa wararku sheegayaan in horumar laga sameeyey.

Ururka argagixisada ee Daacish ayaa weerar ismiidaamin ah kala horyimid ciidamada difaaca Puntland habeenkii u danbeeyey sanadkii hore 31/12/2024, weerarkaas oo ay fuliyeen koox ajaanib ahoo ka kala yimid Bariga Dhexe iyo Bariga Afrika, weerarkaas oo ujeedadiisu ahayd in ay hakiyaan duulaanka ku wajahan, laakiin qorshahaas ayaa noqdey mid dhicisoobey kadib markii khasaaraha weerarkaas uu noqdey mid aan baajin karin gulufka colaadeed ee ka dhanka ah argagixisada.

Habeenimadii xalay ee Jimacada ayaa ciidamada difaaca Puntland ay soo rideen ilaa 7 Drone oo nooca Commercial-ka aha, kaas oo ay ku soo xireen Bom ay qaadi karaan, laakiin ma ahayn nooca loo yaqaan KAMIKAZE ee weerarada loogu tala galay. Sidoo kale ciidanka Puntland ayaa ku guuleystey in ay soo saaraan ilaa 10 miinada dhulka lagu aaso ah oo Daacish ay dooneysey in ay ciidanka waxyeelo ku gaarsiiyaan.

Ciidamada Difaaca Puntland ayaa maanta cagta mariyey ilaa shan saldhig oo ku yaaley aaga Il iyo Cameera, waxaana ciidamadu hadda ay ku siqayaan togga Jeceel oo ay ku yaalaan saldhigyo kale, haddii togga jeceel uu gacanta u galo ciidanka Puntland, daacish ma heli doonaan biyo.

Todobaadkan ilaa laba duqeymo oo cirka ah oo ay fuliyeen Drones ayaa loo geystey Daacish, maamulka Puntland kama hadlin cidda ka caawisey weerarka cirka, dowladda maraykanku ma sheegan weerarkaas.

Qaar kamid ah saraakiisha ciidanka difaaca Puntland ayaa sheegaya in sidii ay filayeen aysan noqon Daacish, “..Waxaan aragney niman cararaya oo aan ciidanka wajihi karin, waxay baxsanayaan dhanka buurta weyn ee Qandala ku beegan…” Tirada ciidamada Daacish oo horey aad loo buunbuuniyey ayaa saraakiishu sheegeysaa in ay aaminsan yihiin in ay aad uga yaryihiin, waxaana suurtagal ah in ay baxsadeen ka hor abaabulka hawlgalka Hillaac, waxaana la filayaa in ay aad uga yar yihiin 800 oo argagixiso ah sida laga soo xigtey saraakiisha ciidanka difaaca Punntland.

Si kastaba, iyada oo lagu yaqaano malayshiyaadka u dagaalama argagixisada in aysan weerar toos ah wajihin ciidamada ee ay fuliyaan weeraro gaadmo ah, ayaa la is weydiinayaa sababta ay u banaynayaan saldhigyadoodi, iyada oo waxa ka danbeeyaa ay tahay buur waxa ka sii danbeeyaana ay tahay badda cas oo meel loo baxsadaa aysan jirin.

Daacish ayaa ku xoogeysanaayey buuraha Cal Miskaat tan iyo sanadkii 2015, markaas oo ay ka go’een Al-Shabaab, sanadihii u danbeeyey waxay ganacsatada Soomaaliyeed ku soo rogeen lacago baad ah in ay qaadaan, kooxda dabagalka ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in sanadkii 2022 uu ahaa sanadkii ugu dakhliga badnaa Daacishta Soomaaliya, waxaana ay bilaabeen in ay lacago u diraan Daacishta gobolka Khorosaan ee dalka Afqaanistaan.

HORSEED MEDIA