Ciidamada Dowaldda Federaalka Oo Gudaha U Galay Ceelbuur

Published: August 25, 2023
Shares8

Malayshiyada Atgagxisada ee al-Shabaab ayaa isaga baxay degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud oo ahayd meel ay aad ugu xooganaayeen. bixitaanka al-Shabaab ayaa yimid kadib dagaalo dhawr ah oo ka dhacay magaalooyinka ku dhaw.

Ciidamada Dowaldda Federaalka ayaa gudaha u galay degmada Ceelbuur, waxaana ay baaritaano ka bilaabeen guryaha magaalada, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dad ku sugan Ceelbuur.

Maalmihii u danbeeyey malayshiyaadka al-Shabaab ayaa ka dhaqaaqi waayey diyaaradaha droneka ee Maraykanka kuwaas oo duqeyn ku hayey, waxaana si ba’an loo beegsadey gadiidkoodi.

Ceelbuur waxay ahayd magaalada u weyn ee ku harsaneyd gacanta al-Shabaab gobolka Galguduud, Malayshiyaadka al-Shabaab ayaa u baxay dhanka bari ee Galhareeri oo ay weli ku xooggan yihiin.

Ceelbuur waxaa al-Shabaab laga qabsadey sanadkii 2012, dagaalkaas waxaa qaadey ciidamo Itoobiyaan ah, sanadkii 2017 ayey ciidamada Itoobiyaanku isaga baxeen, waxana dib ugu soo noqdey malayshiyaadka al-Shabaab oo tan iyo hadda haystey.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qabsadey muddo shan bilood ah gudahood in uu ku soo afajeri doono dagaalka al-Shabaab dalkana looga xoreyn doono.

Horseed Media