Ciidamada Dowlada Federaalka Oo Qabtay Xubno Ka Tirsan Alshabaab

Published: September 5, 2020

Ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya ee ku sugan deegaanada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa xili ay hawgal halkaas ka sameynayeen waxay qabteen labo nin oo miino ku aasayey wadada.

Ciidamada ayaa sheegay labada nin oo ka tirsan kooxda Alshabaab in ay ku wadaan baaritaan si ay ogadaan cidda ka caawinaysa dhagarta kooxdu ay maleegayso iyo halka laga soo diray.

Saraakiisha xoogga dalka ee aagaasi ku sugan ayaa warbaahinta Qaranka (SONNA) u sheegay inay sii socon doonaan hawlgallada lagu beegsanayo maleeshiyada Al-shabaab, si meesha looga saaro ficilada guracan ee ay shacabka Soomaaliyeed ku dhibaataynayaan.

Ciidanka dawladda federaalka oo sanadkii 2019 la wareegay deegaanada Sabiid iyo caanoole ayaa waxa ay halkaas ka wadaan dadaalada xoog leh oo ay kula dagaalamayaan kooxda Alshabaab.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *