Ciidamada Dowladda & Al-shabaab oo ku dagaallamay deegaan katirsan Galgaduud

Published: April 22, 2023

Ururka Al-shabaab ayaa maanta weerar culus ku qaadday deegaanka Masagawaa ee gobalka Galgaduud, kaas oo sababay khasaare ka duwan.

Weerarka kadib waxaa xigay dagaal xooggan oo u dhaxeeyey xubnaha weerarka soo qaadday iyo ciidmadda Dowladda.

Ciidamada xoogga dalka oo kaashaanaya  kuwa dadka degaanka ayaa fashiliyay weerararkan, sida lagu sheegay war ka soo baxay Dowladda.

General Tareedisho oo ku sugan goobta dagaalka ka dhacay ayaa sheegay in 18 Al-shabaab ay ku dileen dagaalka iyo weerarka wada socday.

Xaaladda magaalada ayaa hadda ah mid daggan waxaana Ciidanka xooggu wali sii wadaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab.

Horseed Media