Ciidamada dowladda & Al-Shabaab oo ku dagaallamay degaan ku yaalla duleedka magaalada Beledweyne

Published: December 8, 2022

Dagaal culus ayaa arroornimadii hore ee saaka ka dhacay degaanka Beerxaani oo dhinaca Galbeedka kaxiga magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Dagaalkan oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ayaa yimid kadib markii Xubno katirsan ururka Al-shabaab ay weerar ku qaaday deegaankan oo ay Saldhig ku leeyihiin ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Saraakiisha ciidanka ku sugan deegaanka Beerxaano ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarka Al-shabaab, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay dagaalka oo dhinacyada soo kala gaaray, in kastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin.

Gobolka Hiiraan waxaa ka socda howlgallo ka dhan ah Ururka Al-shabaab, kuwaas oo ay iska kaashanayaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyto kuwa degaanka.

Horseed Media