Ciidamada dowladda oo a wareegay degaan katirsan Gobolka Galgaduud

Published: January 1, 2023
Shares6

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa degaanka iskaashanaya ayaa maanta Ururka Al-Shabaab kala wareegay degaanka Masagaway oo katirsan Gobolka Galgaduud.

Taliyaha Ururka 2aad ee qeybta 27aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa xaqiiyey in Ciidamada ay la wareegeen degaanka Masagawaay haddana howlgallo ka wadaan gudaha iyo daafaha degaankan.

Taliyaha ayaa sheegay in qaar kamid ah Shacabka degaanka Masagawaay ay degaanka isaga barakaceen, iyaga oo cabsi qabay in dushooda lagu dagaalamo, balse uu sheegay inay dhawaan dib ugu soo laaban doonaan degaanka.

Maalmihii la soo dhaafay Ciidamada Dowladda ayaa howlgallo ka waday xadka gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.

Horseed Media