Ciidamada Dowladda oo horjooge ka tirsan Al-shabaab ku diley Jubbada hoose

Published: March 4, 2023

Ciidanka DANAB ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ay wehliyaan ciidanka Jubbaland ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Turdho iyo deegaannada ku xeeran wabiga jinkiisa ee gobolka Jubbada hoose.

Ciidamada ayaa howlgalka ku dilay tiro xubno ah oo ka tirsan Ururka Al-shabaab halka tiro kalena loogu dhaawacay.

Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab Carab dheeg Axmed ayaa sheegay in 13 ka mid ah Al-shabaab la diley.

Taliyaha ayaa sidoo kale in xubnaha howlgalka lagu diley uu ku jiro horjooge lagu magacaabo Aruuriyow Maxamed Cumar oo magaciisa Afgarashada yahay Axmed Sahal.

Horseed Media