Ciidamada Dowladda oo howlgal ka wada duleedka Degmada Ruunirgood

Published: December 22, 2022
Shares30

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga Macawiisleyda ayaa gobolka Shabellaha Dhexe ka wada hawlgal la qorsheynayo in ay kula wareegaan Degmada Ruunirgood.

Ciidamada ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgalo culus ka waday nawaaxiga deegaanka Ruunirgood oo la tilmaamay iney tahay deegaanka kaliya ee Al-shabaab haatan kaga sugan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadaan ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay gudaha u gali doonaan deegaanka Ruunirgood.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in ay haatan ciidamada ka wadaan wadooyinka gala degaankaasi arrimo la xariira miino baaris oo ay tilmaameen in Al-shabaab ku aaseen wadooyinka miinooyon farabadan ayna ku guuleysteen in qaarkood ay soo saareen.

Deegaanka Ruunirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa noqonaya kuu ugu dambeeyey ee laga saaro Al-shabaab guud ahaan gobolkaasi.

Horseed Media