Ciidamada dowladda oo kaabiga ku haya degmada Aadan Yabaal ee gobolka Sh/Dhexe

Published: December 4, 2022
Shares28

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey ayaa maanta kaabiga ku haya degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

Ciidamada waxaa hoggaaminaya xubno ka tirsan mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Masuuliyiinta iyo saraakiisha howlagalkan oo warbaahinta la hadlay sheegeen in saacadaha soo socda ciidamada ay gudaha u gali doonaan degmada Aadan Yabaal oo ah degmadii ugu dambeysay ee gobolka Shabeellaha Dhexe ay kaga sugan yihiin Al-shabaab.

Dagaalo goos goos ah ayaa laga soo wariyay in saaka ay ka dhaceen deegaano u dhadhaw degmadaasi, walow aanan la xaqiijin khasaaraha ka dhashay dagaaladaasi.

Degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Al-shabaab u ah deegaan muhiim ugu ah isku xirka gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Horseed Media