Ciidamada Ecuador oo xoog ku galay Safaaradda Mexico

Published: April 6, 2024
Shares2

Booliiska Ecuador ayaa weeraray safaaradda Mexico ee magaalada Quito si ay u xiraan madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaas Jorge Glas, kaasoo Mexico ay siisay magangalyo siyaasadeed.

Iyadoo laga jawaabayo dhacdadan, Mexico waxay hakisay xiriirkii diblumaasiyadeed ee ay la lahayd wadanka Ecuador, maadaama lagu xadgubay Safaaradooda.

Madaxweynaha Mexico Andres Manuel Lopez Obrador ayaa ku tilmaamay faragelinta booliska Ecuador ee safaaradda mid xadgudub ku ah madax banaanida Mexico.

Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Ecuador ayaa u baxsaday safaarada Mexico bishii December ee sanadkii hore 2023, isagoo ka carayey in lagu xukumo xabsi kadib dacwado musuq-maasuq la xariira.

Xiriirka labada dal ayaa xumaaday kadib markii Mexico diiday inay safaaradooda soo galaan booliiska si loo xiro Jorge Glas.

Jimcihii, dawladda Ecuador waxay ku dhawaaqday safiirka Mexico Raquel Serur Smeke “persona non grata” waxayna ku amartay inay dalka baxdo Khamiista soo socota.

Mexico ayaa sheegtay inay dacwad ka dhan ah Ecuador u gudbin doonto Maxkamada Adduunka.

Horseed Media